Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Casimadda Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta dhagax dhigay wado isku xirto degooyinka Xamar Jabab Xamar weyne iyo shingaani.
Wadadaan oo ka soo bilaabataa Dekadda Muqdisho ilaa dhismihii wakaaladda Madbacdda Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu bilaabay dhismo si dadka Reer Muqdisho u isticmaalaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay dhismaha wadooyinka burbursan ee Magaalada Muqdisho.