Hirshabeelle Oo Faah-Faahisay Howlgallo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Socda

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgaladaan ay ka socdaan deegaanno ka tirsan Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa Sheegay in Al-shabaab ay isku uruursanayeen deegaanno Hoosyimaada degmada Cadale, balse Ciidanka Xoogga dalka uu ka war haley sidaasna howlgal ka dhan ah loogu qaadey waa sida uu hadalka u dhigay.

“howlgalka waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaannada Buur baxaar, Faqiyaale iyo Daarusalaam oo dhammaan hoosyimada degmada Cadale ee gobalka Shabeellaha dhexe” ayuu yiri wasiir Maxmed Kheyre.

Sidoo kale wasiirka amniga ayaa intaa ku darey in howlgalladaan ay yihiin kuwo dhammaan deegaannada Dowlad gobaleedka Looga xureyn doono Al-shabaab.

Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa ugu dambeyn faahfaahin ka bixiyay kulamo uu uga soo qeybgalay Magaalada baydhabo ee xarunta gobalka Baay halkaasi oo looga dhawaaqay iskaashi u dhaxeeya labada dowlad gobaleed ee koonfur galbeed iyo Hirshabeelle ay ka yeelan doonaan xaalada fatahaadaha iyo tan ganacsi ee Labada maamul.