Al-shabaab oo Bayaan Kasoo Saaray Weerarkii Saldhiga Ciidamadda Mareykanka

0

Al-shabaab ayaa bayaan kasoo saaray weerarkii sabtidii lagu qaaday Saldhig Ciidamadda Mareykanka iyo kuwa Kenya ku leeyihiin Lamu Dalka Kenya.

Mu’asasada Alkataa’ib, garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee Shabaab oo uu akhrinayo afhayeenka guud ee Xarakada, Sheekh Cali Maxamuud Raage.

Cali Dheere ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan guutada Qaraxyadda Al-Shabaab in weerar ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo ku yaalla deegaanka Maanda Beey ee gobolka Lamu, halkaasna ku dileen kuna dhaawaceen 17 askari oo Mareykan ah iyo 9 kamid ah ciidamada khaaska ee Kenya.

“Saldhigan oo lagu magacaabo “Kaam Simba” ayaa ah xero militari oo ay leedahay dowladda Mareykanka, waxaana ka howlgala boqolaal ciidamo Amerikaan ah. Waa taliska laga hago howlgallada Mareykanku ka wado waqooyiga Kenya, waa goobta ay saliibiyiinta reer galbeedku kasoo abaabulaan howlgallada basaasnimo ee ka dhanka ah dad ku nool bariga Afrika.” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.