Xiisad Xoogan Oo Ka Taagan Magaalada Baardheere

0

Xiisad u dhexeysa ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo dhawaan la geeyey Bardheere iyo ciidanka Jubbaland ayaa laga soo warramayaa inay ka taagan tahay degmadaasi.

Xiisada ayaa ka dambeysay, kadib markii laba maamul oo kala taageersan Jubbaland iyo dowladda dhexe siyaabo kala loogu magacaabay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Cismaan Nuur Xaaji guddoomiye ku xigeenka gobolkaasi yaa Shabelle uga warbixiyey xiisada, wuxuuna sheegay in wax Jubbaland la yiraahdo aysan ka shaqeyn  Baardheere.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxo halkaasi.