Wariyaasha ka howlgala deegaanada maamulka Galmudug oo haatan ay ka socdaan doorashooyinka maamulkaasi ayaa ka cabanaya in laga hor istaagay tibinta doorashooyinka oo haatan ka bilaawday magaalada Dhuusamareeb.
Wariyaashan oo iskaga kala yimid magaalooyinka waaweyn ee Galmudug, sida Gaalkacyo, Cadaado, Hobyo, Caabudwaaq, Gurceel iyo magaalooyin kale ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, kaas oo eedeyn badan ay ugu jeediyeen xaafiisyo uu ugu horeeyo kan Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ay ka tirsanayaan tabashada ugu badan.