Odayaasha Dhaqanka oo Hanjabay Inay Badali doonaan Xubnaha Ahlusuna ee Baarlamaanka

0

Qaar ka mid ah Odayaasha saxiixayaasha Galmudug ayaa ku goodiyay in hadii Xildhibaanada Ahlusunna ka soo galay Baarlamaanka Galmudug ay ku soo xaroowaayaan mudo 12 Saacadood ah ay badalidoonaan Xildhibaano kale oo cusub.

Qaar ka mid Odayaasha oo kulan ku qaatay xarunta Gudigga doorashada ee Shiirkole ayaa warbaahinta u sheegey in Xildhibaanada Ahlusunna ay ugu baaqayaan soo xaadirida xaruntaasi mudo 12-saac ah gudohood , hadii ay baaqa ka dhaga furaystaana ay ku badi doonaa Xildhibaano kale sida ay hadalka u dhegeen.

Odayaashan ayaa dhowr saacadood wadahadal kula jiray wasaarada arimaha Guddaha oo kulankan soo abaabushey,waxaana gabangabadii kulankooda soo saareen baaqa ay u direen 20 Xildhibaan ee ka soo galay dhanka Ahlusunna waljamaaca.

Arintaan ayaa qayb ka ah Khilaafka Xooggan ee ka jira dhismaha Dowladda Goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale Guddiga doorashada Galmudug, garabka Ahlusunna Waljamaaca ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay in 23-24 January la qabanayo araajida musharixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

25-28 January ayey guddiga sheegeen inay ku diyaar garoobayaan musharixiinta si ay u sameeyaan ololahooda.

29 January ayaa lagu sheegay waraaqda kasoo baxday Guddiga Doorashada Galmudug garabka Ahlu Sunna in ay noqon doonto Maalinta la dhegaysanayo khudbadaha musharixiinta halka Maalinta xigta ee 30 january la dhegaysan doono musharixiinta madaxweyne ku xigeenada.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa sheegay in 5 February oo ku beegan maalin Arbaco ah la qaban doono doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug.