Xiisad Ka Dhalatay Ganacsato Lagu Dilay Mudug

0

Xiisad xoogan ayaa lagu waramayaa in ay ka dhalatay afar ganacsato ah oo lagu dilay duleedka Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Eehelada dadkan la khaarijiyey ayaa la sheegay in ay dalbeen cadaalad ay helaan isla markaana lasoo qabto cidda ka dambeysay.

Dilka ganacsatadda ayaa yimid markii ay rasaas ku fureen maleeyshiyaad la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka waqoyga Gaalkacyo ee Puntland.

Falalka noocaan ah ayaa aad ugu badan degaanada kala duwan ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay in aysan muuqan dedaalo wax lagu xalinayo.