Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo Gedo

0

Xadka ay wadagaan Kenya iyo soomaaliya ee dhinaca dhinaca magaalooyinka Mandhera iyo Baladxaawo ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaayo militeri saacadihii ugu dambeeyay kadib markii dowladda soomaaliya ay ciidan badan gaysay gobolka gedo.

Dad ku sugan magaalada mandhera ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada amaanka Kenya ay feejigan yihiin iyaga oo ka cabsi qaba weerar uga yimaada ciidanka dowladda soomaaliya  oo uu kula dar daarmay Cismaan Nuur Xaaji gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka gado in hadii Kenya ay fara gelinta ka joojin wayso soomaaliya ay ciidamada soomaaliya kasoo casheeyaan Nairobi.

Warbaahinta Kenya ayaa daabacday in mandhera hotel ku yaala uu dagan yahay wasiirka amniga Jubbaland cabdirashiid janan oo baxsad ka ah dowladda soomaaliya.