AKHRISO:- Khilaafka Dowlada Federalka iyo Maamulka Puntland oo saameyn ku yeeshay warbaahinta Puntland

0

Khilaafka u dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay warbaahinta Maamulka Puntland kadib markii shaqada loogaga eryey, Agaasimihii taleefishinka iyo idaacada Puntland Jamaal Carab Yuusuf sababo la xiriira fariimo ay soo diyaarisay guddiga doorashooyinka qaran kuwaasoo laga baahiyay Taleefishinka iyo Idaacada Puntland.

Agaasimaha Taleefishinka iyo Idaacada Maamulka Puntland ayaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay Dahir Aflow iyadoo munaasabadii xil wareejinta uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland.

Xayaysiinta doorashooyinka ee uu soo diyaariyay guddiga doorashooyinka ayaa laga joojiyay in laga baahiyo taleefishinka iyo raadiyaha maamulka Puntland.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland ayaa dhowaan loogaga joojiyay howlaha ay ka wadeen guddiga doorashooyinka qaran deegaanada Puntland.

Sidoo kale Weriyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Puntland Cumar Maxamed Soomane ayaa loo xirey sababo la xiriira war ku saabsan arrimaha imtixaanaadka uu ka sii daayay Radio Kulmiye oo uu wakiil wareed ugaga ahaa Puntland. Hase yeeshee Cumar Soomane ayaa markii dambe damiin lagu sii daayay