Gudoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan waxa uu sheegay in maanta ay sugayaan Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tagaya degmadaas.
Ciidamada waxa uu tilmaamay Sahal in ay isugu jiraan Booliis, Militari iyo Asluub, waxaana qorshaha ciidankaas uu ku sheegay in ay qayb ka noqonayaan sugidda Ammaanka Degmada Ceelwaaq.
Gudoomiye ku xigeenka Ceelwaaq ayaa intaa ku daray in Dowladda Federaalka ay bilawday tallaabooyin ciidamo ay ku geyneyso Degmooyinka Gobolka Gedo ee dhaca Xuduudaha Dalalka dariska ah Soomaaliya.
Waxa uu dalbaday in aan la hilmaamin Ciidamada xiligaan ku sugan Ceelwaaq oo uu ku sifeeyay in ay kusoo shaqeeyeen duruufo kala duwan tan iyo sanadkii 2009-kii oo ku asteesan markii la isku keenay Ciidankaas. sida uu hadalka u dhigay.