Waxaa Goor dhowayd magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya uu Wadahadal uga Furmay Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Kulan oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan labadan mas’uul ayaa imanaya xilli uu dhowaan gaaray magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyadoo sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu ka qeybgalayay shirweynaha 33aad ee Midowga Afrika.
Lama oga ajandaha kulankan hase yeeshee inuu kulankan jiro ayaa waxaa Noo xaqiijiyay Ilo ku dhow Madaxtooyada Qaranka.
Hase yeeshee waxaa wararka ay sheegayaan in kulankan ay qabanqaabisay dowlada Ethiopia, gaar ahaan Raysal wasaare Abiye Axmed.