Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo.
Guddiga ayaa madaxwayne farmaajo kala hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay sharciga doorashooyinka Qaranka oo dhawaan ay soo ansixiyeen labada gole ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya oo haatan sugaayo saxiixa madaxwaynaha iyo qodobo kale
Sidoo kale Guddiga ayaa madaxwaynaha ka codsaday in la dadajiyo ansixinta wax ka badalka sharciga xisbiyada oo Barlamaanka horyaallo,
Waxana ay sheegeen in ay muhiim u arkaan si labada sharci ay iskula jaanqadaan madaama ay yihiin sharciya isa saamaynaa.
Xildhibanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare ayaa soo meel mariyay sharciga doorashooyinka qarankaMarka lagaaro sanadka 2021 ayaa soomaaliya la filayaa in ay ka dhacdo dorasho taa oo aan wali la shaacin nooca ay noqon Doonto