Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu magaalada Dhoobley kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka eek u sugan degmadaasi.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay howlgalka socda deegaanada Jubbaland ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo guulaha Ciidanka Dowladda & kuwa Jubbaland ka gaareen.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa Amray Saraakiisha Ciidanka Jubbaland inay dar dar geliyaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markaana sanadkaan gudihiisa laga doonayo inay ka saaraan Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.
Maalma ka hor ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu booqday Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya ee DANAB & kuwa Jubbaland oo howlgal ka wada duleedka degmada Jamaame,isaga oo ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.