AKHRISO:- Cudur aan la qoon oo dad badan ku dilay dowlad degaanka Soomaalida ee toobiya

0

Deegaanno ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa laga soo tabiyay cudurro sababay dhimasho iyo waxyeello kale oo aysan horay u aqoonin dadka ku dhaqan aagaas, sida uu sheegay nin ay saameynta cudurradaas gaartay qaar ka mid ah eheladiisa.

Xanuunnadan oo ay sidoo kale wax ka qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa soo jiray muddo dhowr sano ah, iyagoo galaaftay nolosha dad badan, halka kuwo kalena ay la il daran yihiin.

Axmed Maxamed oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa hadda aysan garan karin waxa ay yihiin cudurradan iyo sabab rasmi ah oo ay ka dhasheen toona.

Dadka uu ku dhacay ayuu sheegay inay dhakhaatiirta magaalada Addis Ababa ka deyriyeen xaaladdooda.

“Ilaa laga soo billaabo sanadkii 2014-kii, waxaa deegaanka kusoo badanayay xanuunno fara badan oo ay ka mid tahay in qofku uu isbuuc ama labo isbuuc xanuunsanaado, kaddib ay indhihiisu isu baddalaan midabka jaallaha, kaddib uu qofku hadli waayo, labo ama saddex bilood kaddibna uu geeriyoodo”, ayuu yiri Axmed.

Ninkan ku sugan degmada Dhooba Weyn, oo sii sharraxayay xaaladdan argagaxa galisay dadka deegaanka ayaa sheegay in cudurradan ay yihiin kuwo aan horay loo sii aqoonin, mararka qaarna sababa xaalado aad loola yaabay.

“Hadda Degmada aan joogo waxaa saacaddan aan kula hadlayo ku nool in ka badan 20 carruur ah oo dhashay iyagoo curyaamo ah, oo aan hadleynin.