DHAGEYSO:-Wafdiga Puntland ee Tagay Goobihii lagu dagaalamay ee gobolka sanaag & Hanjabaad loo diray Somaliland

0

Cabdisamam Wasiirka Amiga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo ay kamid yihiin Taliyaha Guud ee Ciidmada Difaaca Puntland  Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere ,  Gudoomiyaha Gobolka sanaag ee Puntland,  Duqa-degmada Badhan iyo Masuuliyiin kale ayaa kormeeray Fadhiisimada  Ciidamada Puntland ee deegaanka Yubbe, Halkaasi oo dhowaan ay dagaal kula galeen Ciidamada Somaliland.

Wafdigan ayaa  Waxay Warbixin ku saabsan Xaalada Ciidamada ka dhegaystay Taliyayaasha Ciidamada,  Waxayna uga mahadceliyeen Dhirbaaxadii ay ku dhufteen Ciidamada Somaliland, ee Weerarka kusoo qaaday Fadhiisimada Ciidamada ee deegaanka Yubbe.

“Waxaa inoo Balan ah Jiida Hore ee Difaacada  Ceerigaabo, Waa Guul inaad celiseen Cadowgii Idin soo Weeraray,  Sidoo kale Waxaynu ka kicin doonaa, oo ku Jebin doonaa goobaha kale ee ay ku sugan yihiin, Dhaqan uma lihin Inaynu Cararno,  Way nasoo daan-daansadeen, Hala arko ninkii laga Raayo”.

Wasiir Cabdismad Gallan ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin  Daan-daansiga Ciidamada Somaliland, “Waxaanu Ballan Qaadaynayaa inay Jawaab Degdeg ah oo Taariikhda gasha ay kala kulmaan, Deegaankeena Asalka ah waa Ceerigaabo, Waxaanu ka Fekeraynay  Ceerigaabo ma lagu wada Noolaan karaa, Waxaanu u dhaaranay Difaaca diinta, dalka iyo dadka, Waanu u huraynaa Nafta,  Waxaa inoo Ballan ah inaynu tagno meesha Rasmiga ah ee Difaaca ah, Aad baan idiinku Hambalyaynayaa dhirbaaxadii aad ku dhufateen” Ayuu yidhi Wasiir Gallan.