Illaa 12 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Kenya kuwaasoo laga soo doorto gobolada Waqoyi Bari Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho iyagoo kulamo la yeelanayo madaxda dowlada federalka Soomaaliya.
Xildhibaanadan oo degaanada laga soo doorto ay kamid yihiin Mandhera,Wajeer iyo degmooyin ku yaal xadka ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ujeedada booqashada xildhibaanadan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa wararka qaar sheegayaan inay kala hadlayaan madaxda Soomaaliya arrimo ku saabsan amniga labada dal gaar ahaan gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya.
Xildhibaanadan ayaa waxaa ka mid ah qaar dhowaan su’aalo ku weydiiyay gudaha Baarlamaanka Kenya wasiirka gaashaandhiga Kenya,iyagoo wax ka weydiiyay joogitaanka wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay sheegeen inuu joogo magaalada Mandhera.
kale ujeedada booqashada xildhibaanadan ayaa waxaa ka mid ah sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka ururka Al-Shabaab iyadoo dhowaan Madaxweyne Kenya Uhur Kenyatta ugu baaqay madaxda gobolka Waqoyi Bari Kenya inay la yimaadeen qorshe lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Xildhibaanadan ayaa sida ay sheegayaan wararka ku dhow dhow madaxtooyada Soomaaliya waxa ay la kulmeen Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Hase yeeshee marjiro wax war ah oo ka soo baxay kulanka ay xildhibaanada Kenya la yeesheen Madaxweyne Farmaajo.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan ay dowlada federalka Soomaaliya ku eedeysay dowlada Kenya inay farogelin ku hayso arrimaha Soomaaliya,balse eedeyntaas waa iska fogeeyay dowlada Kenya.