Dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taala Muqdisho

0

Wararka  naga Soo gaaraya Isgoyska Black sii ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Sheegayaan in  Dab Xoogan uu goordhow  halkaasi ka kacay.

Dabka ayaa waxaa uu qabsaday Kaalin Shidaal oo ka agdhow goobta uu Dabka ka kacay,Isagoona ku Faafay maqaayado iyo Xaafadaha ka agdhow.

Goobjoogayaal ayaa goordhow ayaa Sheegay in Dab uu kacay,islamarkaana aan Weli la ogaan Sababta ka dambeysa Dabkaasi.

ilaa iyo Hada lama Oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dabkaasi.

Gaadiidka Dab Dimiska ayaa Gaaray goobta uu Dabka ka kacay,iyadoona sidoo kale halkaasi lagu Arkayo Ciidamo badan oo ka Tirsan kuwa Dowladda soomaaliya.