War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysanaa aya goordhaweyd Laba askari waxa ay ku dileen isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, askarta la dilay ayaa la sheegay in ay ka Tirsanaayeen Waaxda Canshuuraaha Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir,waxaana dilkooda fuliyay rag bastoolado ku hubeysanaa oo goobta ka baxsaday.

Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa inoo sheegay in meydadka askarta laga qaaday goobta,islamarkaana uu socdo howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka.

Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda dilalka.