Madaxweynaha dowlad goboleedka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa maanta waxaa uu ku wajahan yahay Magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qorshuhu waxaa uu yahay inuu diyaarad ka raaco magaalada Kismaayo, isagoona tagi doono Magaalada Dhoobleey
Wararka ayaa Intaasi waxaa ay ku darayaan in safarka madaxweynaha Jubbaland ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan wasiirada maamulka Jubbaland iyo saraakiil.
Ammaanka Magaalada Dhoobley ayaa saakay aad loo adkeeyay,iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga magaaladaasi.