Guddoomiye Muuse Macalin oo ka hadlay arimaha Cadaalada (DAAWO)

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka 2019-kii ee Wasaaradda Cadaalladda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiye Muuse oo qeyb ka ahaa Mas’uuliyiin ku sugnaa madasha ayaa ka hadlay dhowr qodob oo ay ugu horeyso hanaanka Cadaalladda Dalka.

Garyaqaan Muuse Macalin ayaa sidoo kale ka hadlay arimo ku saabsan DNA-da, maadaama helitaanka DNA uu xal noqon karo in la helo shaqsiga ama eedeysanaha ku kaca fal kufsi.