AKHRISO:- Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka oo amray in xeryahooda ku soo laabtaan istaafyada

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raagge ayaa soo saaray amaro quseeya ciidamada aan sida tooska uga howlgalin xarumaha ciidamada.

Qoraal ka soo baxay 14kii bishan xafiiska taliyaha xoogga dalka ayaa lagu amray dhammaan taliyaasha xarumaha,qeybaha,dugsiyada tababarka inay dib u soo xereeyaan askarta howlaha kale qabta oo loo yaqaan Shaqo leexsan.

Taliyaha ayaa ku xusay qoraalkan inuu tallaabo ka qaadi doono ciidamada aan dib ugu soo laaban xeryahooda.

Waxaa soo baxayay maalmihii la soo dhaafay in la amarkan uu quseeyo madaxdii hore ee dalka soo martay iyo weliba siyaasiyiinta mucaaradka ah eel eh ilaalo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.