Axmed Macalin oo ah maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda federaalka ay wado dadaallo ay uga hortageyso cudurka Coronavirus.
Maareeyaha oo la hadlayey warbaahinta ayaa tilmaamay inay haatan ka fakirayaan sidii xayiraad loo saari lahaaKenya iyo Itoobiya oo laga helay kiisas la xariira Corona.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka fakireysaa xayiraadda Itoobiya iyo Kenya oo laga helay Coronavirus, 24-saac mar ayaan isugu imaanaa shir oo aan kaga hadalno sida laga yeelayo xaaladaha isa soo taraya ee faafidda Corona” ayuu yiri Axmed Macalin.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay si joogta ah ula socon doonaan dalalkaasi oo min hal kiis oo cudurka laga helay.
“Si joogto ah ayaan isha ugu heynaa dalalka Kenya iyo Itoobiya, hal kiis laguma qaadan karo go’aan degdeg ah, balse waxa aan kor kala soconaa sida uu ku faafayo, kulan ayaa maanta isugu imaaneynaa si aan go’aanka ugu dambeeyo ka gaarto arrintaan” ayuu sii raaciyey Mudane Axmed Macalin maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u joojisay dadka ka imaanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran oo uu si ba’an u saameeyey cudurkaasi.