Maamulka Mareykanka ayaa sheegay in ay si xoogan u taageerayaan dadaalada lagu carqaladeynayo hababka dhaqaale iyo maalgalinta sharci darada ah ee ay adeegsadaan Al-Shabaab.
Hadaladaan ayaa yimid ka dib markii khabiirro ka tirsan Qaramada Midoobay ay xuseen in Kooxdaasi sanadkii hore ay soo ururiyeen lacago ka badan $ 21 milyan oo ay ku bixiyeen dagaalada, hubka iyo sirdoon
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft ayaa Arbacadii u sheegtay Golaha Amniga in maamulka Trump ay ka go’an tahay la shaqeeyaan wadamada kale,isla markaana ay adeegsadaan cunaqabateynta Qaramada Midoobay si looga hortago “maalgalinta argagixisada” ee Al-Shabaab.
“Mareykanka wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa burburinta awooda Al-Shabaab oo caadeysatay weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah”, ayeey tiri Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay .
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lagu waramay in ay diiradda saarayaan warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo gudbiyeen guddiga khubarada iyo sida wax looga qaban karo saameynta dagaalada Al-shabaab ee aan ku ekeyn Soomaaliya,balse u gudbay dalalka deriska ah .