Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen dhallinyaradii ku shahiiday qaraxii argagixisadu galabta ay ka geysteen magaalada Kismaayo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ciyaartooy ah oo la qarxiyo ay muujinayso dhagarta iyo arxan darrada argagixisada oo caadeystay xasuuqa dadka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn.
“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland. Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska.”
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle uga baryey in uu naxariistii Janno ka waraabiyo dhammaan muwaadiniintii aan waxba galabsan ee ku shahiiday qaraxan,isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyey dhammaan intii ku waxyeelowday.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku duubnaadaan, una midoobaan cadowgan u diiddan nabadda iyo horumarka.