Warbixin: Maxaa Ka Dhacay Magaalada Kismaayo 48 Saac Ee La Soo Dhaafay Iyo Qabiilada Xasuuqa, Dhaca, Kufsiga Iyo Barakicinta Lagu Hayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Kismaayo ay sii gashay xaalad murugsan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dadka shacabka ah ee ku nool magaaladaasi ee aan kasoo jeedin beesha Kablalax leeyska leeynayo, leeyska xir xirayo halka gabdhahana leeyska kufsanayo, mana ahan dhacdo mar dhacday ee waa dhacdo loo joogteeyay si ay dadka uga barakacaan magaalada Kismaayo.

Sida xog ogaalo ku sugan gudaha Kismaayo ay u sheegeen Warbaahinta Allgalgaduud Media Waxaa magaalada Kismaayo lagu dilay 48-saac ee lasoo dhaafay Allaha U Naxariistee dad shacab ah oo tiradooda gaarayso 9 ruux oo kasoo kala jeeday beelahan soo socda.

Mareexaan 2

Cowramaleh 1

Biyomaal 1

Habargidir 1

Jareer 1

Halka 3 ruux-na lagaran waayay heeybta ay kasoo jeedaan.

Goobjoogeyaashan ayaa waxa kale oo ay sheegeen in xabsiyada ay sida gaarka ah u kala leeyihiin horjoogeyaasha maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Macalin Maxamed ee ku yaala gudaha magaalada Kismaayo ay ku xiran yihiin dad tiradooda gaarayso inta la ogyahay 30 ruux, dadkan ayaa dhamaantood waxaa loogu jir dilaa si arxan daro ah xabsiyadaas.

Mareexaan 10

Gaaljecel 4

Sheekhaal 3

Habargidir 6

Cowramaleh 3

Jareer 4

darwiish
Gen. Maxamed Warsame Darwiish

Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro arday ah oo u dhashay beesha Mareexaan oo tiradooda gaarayso ilaa 9 ruux oo si gaar ah ugu xiran xabsiga uu gaarka u leeyhay Gen. Maxamed Warsame Darwiish, Gen. Darwiish ayaa waxa uu kasoo jeedaa ee beesha reer Biciidyahan (Majeerteen) dhalinyaradan ayaa waxaa xabsigaas iyagana loogu geeystaa jirdil aad u foolxun.

Raaskambooni1
Axmed Madoobe                                                                      Macalin Maxamed

Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Macalin Maxamed ayaa waxa ay amar ku siyeen maleeshiyaadkooda in la laayo, la dhaco, la xiro, gabdhahana laga kufsado cid walba oo aan kasoo jeedin ama raaciyo u aheeyn beesha Kablalax iyo maleeshiyadooda Raaskambooni.

Goobjoogeyaashan  ku sugan gudaha magaalada Kismaayo oo xaalad amaankooda awgeed aan uga gaabsanay magacooda ayaa waxa kale oo ay sheegeen in dad tiradooda ay gaareeyso ilaa 50 ruux todobaadki tagay xili habeenimo ah lagala baxay guryahooda ilaa haddana aan la aqoon meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sidoo kalena waxaa si joogta ah loo dhacaa Goobaha Ganacsiga sida Maqaayadaha, Dukaamada, Baqaarada  ee ay leeyihiin dadka aan kasoo jeedin beesha Kablalax.

Dhinaca kale Madaxda Dowladda Soomaaliya, Xafiiska Ergayga UN-ka ee Soomaaliya iyo AMISOM ayaa marnaba ka hadlin indhahana ka dabooshay xasuuqa iyo tacadiyada kale ee ka dhanka ah shacabka gaar ahaana Birmageydada ee sida joogtada ah uga socda magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo waxaa hubaal ah marnaba inaysan dhowaanahan Nabad ka dhacayn gobolada Jubbooyinka waxii ka dhacana ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya,Ergayga UN-ka ee Soomaaliya, AMISOM iyo Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee fasaxay in la xasuuqo Birmageydada, lana Dhaco Hantidooda, lana kufsado Gabdhahooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com