Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay todobaadki hore isku dayeen inay duulaan ku qaadaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee fariisimaha ku leh deegaanka Goobweeyn balse ay ku fashilmeen.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ciidamada Kenya todobaadki tagay ay duulaan daan daansi ah ku tageen deegaanka Qaam Qaam oo dhanka bari ka xigta deegaanka Goobweeyn kadib markii ay Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kaligood wadnaha siin waayeen.
Ciidamada Kenya ayaa waxa ay u direen deegaanka Qaam Qaam 6 gaadiidka dagaalka ah taas oo ka danbeeysay kadib markii shir uu ka dhacay magaalada Nairobi ay soo abaabuuleen Xildhibaanada beesha Absame ee dalka Kenya oo dhexmaray Madaxda dalka Kenya iyo horjooge Axmed Madoobe goobtaas oo ay kaga codsadeen inta aysan ciidamada Kenya kasoo bixin deegaanada Jubbooyinka in ay weeraraan kana saaraan meesha ciidamada ku sugan deegaanka Goobweeyn.
Kadib ciidamada Kenya markii ay dib uga soo laabteen deegaanka Qaam Qaam ayaa waxaa ka war helay saraakiisha ciidamada AMISOM ee dalalka Burundi iyo Siiraaliyoon waxayna islamarkiiba ku wargaliyeen saraakiisha ciidamada Kenya hogaamisa ee ku sugan gudaha magaalada Kismaayo, waxayna si cad ugu sheegeen inaysan ciidamadaasi ku hoowlgalayn magaca AMISOM waxii ay geeystaan ama loo geeystana ay mas’uuliyadeeda qaadeyso dowladda Kenya.
Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Burundi iyo Siiraaliyoon ayaa wax ay warbixin ku saabsan dhacdaas usoo gudbiyeen Taliska guud ee AMSIOM ee magaalada Muqdisho, sidoo kale Saraakiisha AMISOM ee Siiraaliyoon iyo Bururndi ayaa waxa kale oo ay kulan la qaateen horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxayna ku wargaliyeen inay ka warhayaan cida ka dambeeysa Qaraxyada, dilalka iyo xariga joogtada ah ee ka dhaca magaalada Kismaayo, islamarkaana arimahaas ay yihiin kuwo aysan aqbalayn AMISOM, waxaana goobtaas sidoo kale ka hadlay Mid kamid ah saraakiisha ciidamada Kenya oo sheegay in arintan lala sugo horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni inta uu dib ugu soo laabanayo magaaladaasi.
Sidoo kale Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa si dhuumaaleeysi ah waxa ay codsi u gudbiyeen taliska guud ee ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho, waxayna ka codsadeen inay duulaan ku qaadi karaan ilaa iyo Jilib, taas oo ah ujeedkeeda inay fuliyaan Codsigi Xildhibaanada beesha Absame ee Kenya iyo horjooge Axmed Madoobe ay ku doonayeen inay intaysan ka bixin ciidamada Kenya Jubbooyinka ay weerar ku qaadaan ciidamada Ku sugan deegaanka Goobweeyn.
Dhinaca kale waxaa weli ka socda magaalada Kismaayo xasuuq, xarig iyo kufsi loo geesanayo dadka birmageydada ah, waxaana ugu dambeeyay oo xalay gurayhooda lagala baxay laba nin oo u kala dhashay beesha Talxe iyo beesha reer Cismaan ee beesha Sade, waxaana labada nin si toos ah uga dambeeya xarigooda Gen. Darwiish oo ka ganacsada dadka lasoo xiro.
Isku soo wada duuboo Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaya sidii looga dulqaadi lahaa ciidamada Goobweyn ee culeeyska ba’an ku haya ka hor intaan ciidamada Kenya ka bixin Jubbooyinka ilaa ugu dambeeyn 10 bishan April.
Geedkay Galaanba Waanu Goynaynaa, waxii kasoo kordha wararkan kala soco Allgalgaduud Media.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com