Gaashaanbuurta NATO oo wadashaqeyntii kala noqday Ruushka

0

Brussels, Dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga NATO oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Brussels ayaa go’aan ay soo saareen ku sheegeen inay gebi ahaan joojiyeen wadashaqeyntii dhanka shibilka iyo militariga oo ay la lahaayeen dalka Ruushka.

Waa markii ugu horeysay oo Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka NATO kulan ka yeeshaan xiisadii dalka Ukraine iyo jasiirada Crimea oo ay la wareegtay dowlada Ruushka.

Andres Fogh Rasmussen Xoghayaha Guud ee NATO ayaa sheegay in falalka ay xukuumada Ruushka ku kacday ay khatar weyn ku tahay Qaarada Yurub.

Dhinaca kale dowlada Ukraine oo lagu casumay shirkan iyo dalalka NATO ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi ah oo ku aadan dhanka tababarida ciidamada dowlada Ukraine iyo horumarinta xarumahooda militari.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com