Fort Hood (AGGM): Toogasho ayaa ka dhacday Saldhiga Fort Hood ee Gobolka Texas, halkaasoo saldhig ciidan ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah, iyadoo isla xeradan sanadkii 2009-kii ay ka dhacday toogasho ceynkan oo kale ah.
Askari Mareykanka ah ayaa toogtay tiro askar kale oo ku sugnaa xeradaas, iyadoo askarigiina uu is dilay, waxaana arrintan aad uga naxay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.
Taliyaha Xerada Fort Hood ee ku yaal Gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in askariga hubeysnaa uu dilay saddex askari, halka uu dhaawacay 16-kale.
Askariga dilkan geystay ayaa horay uga soo shaqeeyay dalka Ciraaq sanadkii 2011-dii, waxaana laga daweynayay xanuun dhinaca maskaxda, taas ayaa loo sababeeyay inuu toogashadan u geysto.
Saraakiisha Xerada Fort Hood ayaa sheegay in weerarkan aanu laheyn raad Argagixiso, isagoo beeniyay wararka arrintan ku saabsan, markii ay soo baxday toogashada ka dhacday saldhiga.
Sanadkii 2009-kii ayaa toogasho ka dhacday xeradaas waxaa ku dhintay ilaa 14-askar, halka tiro sodon ku dhow ku dhaawacmeen, markii askari ka tirsanaa ciidamada Milateriga Mareykanka oo lagu magacaabayay Nidaal Xasan, isla markaana ahaa dhaqtar dhanka maskaxda uu geystay toogasho.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com