Kuala Lumpur, April 03, 2014- Boqorka dalka Malaysia Al-Sultan Almu’tasimu Billahi Muhibbuddin Tuanku Alhaj Abdul Halim Mu’adzam Shah ayaa ka gudoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo , ambassador Nur Farah Hersi oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Malaysia kadib xaflad balaaran oo ka dhacday qasriga Boqortooyo ee ku yaala caasimadda Kuala Lumpur .
Danjire Nur Farah , ayaa intii munaasabadda ay socotay waxa uu gudbiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud , isagoo bogaadiyay Boqorka Malaysia, una rajeeyay caafimaad qab iyo baraare , Xukuumadda iyo Shacabka Malaysia horumar iyo barwaaqo .
Dhankiisa , Boqorka Malaysia Sultan Abdul Halim Mu’adzam Shah ayaa salaan gaar ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , isagoo u rajeeyay caafimaad qab iyo barwaaqo , Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliya horukac nabadeed iyo horumar .
Waxaa kale oo Boqorka u rajeeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Malaysia guul iyo xil gudasho ammaan mudan , isagoo ku celceliyay dadaalka dowladda Malaysia ee ku aadan taageerida dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah ee saaxiibtinimada leh ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Malaysia , si loo gaarsiiyo heer iskaashi xoogan oo dhinacyo badan leh oo ay wada saxiixdaan labada dowladood.
Munaasabadan oo uu ku wehlinayay Safiirka , Jibril Mohamed Osman oo ah Kuxigeenka Safiirka ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia , ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Malaysia, agaasimaha hab maamuuska , saraakiil hab maamuus , agaasimaha Boqortooyada Malaysia iyo mas’uuliyiin kale , waxa ayna ku dhammaatay jawi reyn reyn leh.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com