Shacabka Kismaayo Oo Xabsiyada Magaaladaas Buux Dhaafiyay, Dadka Oo La Kala Iibasanyo Iyo Lacago Shacabka Leeyska Xirtay UN-ka Looga Dalbaday.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dadka shacabka ahaa ee ku noolaa magaalada Kismaayo oo buux dhaafiyay xabsiyada gaarka ay u leeyihiin maleeshiyada beeleedka Raaskambooni ee magaaladaasi.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dadkan shacabka ah ee laga soo qab qabtay guryahooda marki la geeyay xabsiyadaas in sawiro laga qaaday loona diray UN-ka islamarkaana loo sheegay in dadkaas shacabka ahaa ay yihiin Al Shabaab isa soo dhiibay, lana doonayo in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro, waloow aan la ogeeyn go’aanka ay saraakiisha UN-ka ka qaadanayaan shirqoolkan dhaqaalaha ay ku doonayaan horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni

Maleeshiyaad ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo uu horkacayo Gen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa waxa ay dadka shacabka xiliyada Habeebki ah kala baxaan guryahooda kadibna waxay ku xir xiraan Xabsiyo iyaga gaar ay u leeyihiin.

Sida ay ku soo waramayaan goobjoogeyaal ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa ay Warbaahinta Allgalgaduud Media u sheegeen in Xabsiyadan sida gaarka ah ay u leeyihiin Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ay ku xiran yihiin boqolaal ruux halka ay boqolaal kale oo guryahooda lagala baxayna aan la ogeen halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dhinaca kale dadkan ayaa qofkii ay ka daba tagaan eheladiisa waxaa laga qaadanayaa sii deeyntiisa lacag gaareeysa ilaa Sadex Kun oo doolarka Mareykanka ah, lacagtaas oo sida la sheegay uu qaato badankeed Gen. Maxamed Warsame Darwiish iyo horjoogeyaal kale oo ka tirsan maleeshiyo beeleedka raaskambooni, halka maleeshiyaadka Raaskamboonina ay xabsiyo dadka ay ku xirtaan ay dhigteen guryihi dadka shacabka ahaa ka barakaceen, sida la sheegayna waxa ay ka qaataan qofki ay sii daynayaan Todoba Boqol oo doolar.

Isku soo wada duuboo waxaa weli si xoowli ah uga socda gudaha magaalada Kismaayo Xasuuq, Xarig, Kufsi iyo barakicin aan kala sooc la heeyn, mana ay jiraan ilaa hadda wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay waxa ka socda magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com