Cabdiwali Gaas Oo Maamulka Puntland Ka Sifeenaya Haraadigi Faroole Iyo Maxamed Faroole Oo Seefta La Tagtay.

0

Garoowe (AGGM): Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa xil ka qaadis ku sameeyay agaasimihii ciidamada la dagaallanka Burcad badeeda oo lagu magacaabo Max’ed C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland.

Marka dib loo eego ciidamada la dagallanka Burcad badeeda Puntland waxaa la asaasay dhamaadkii sanadkii 2010 iyadoo looga gol lahaa inay kula dagaalamaan gudaha bada iyo beriga kooxihii ku hawlanaa afduubka gaadiidka isaga kala gooshayey marin biyoodka caalamiga ah ee soohdinta la leh xeebaha Soomaaliya.

Wiilka uu dhalay madaweynihii hore Max’ed C/raxmaan Faroole wuxuuna mudo dheer ku hawlanaa Arrimaha bulshada iyo Siyaasada isagoo ilaa sanadkii 2000 si joogta ah uga hawl gelayey Gudaha Dalka kadib markii uu ka soo laabtay dalka Australia .

Agaasimaha cusub ayaa lagu magacaabaa C/naasir Biixi Soofe waa shakhsi ku cusub saaxada maamulka horyna wax xil ah ugama soo qaban Puntland wakhtigiisa inta badana wuxuu ku soo qaatay qurbaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com