Nairobi (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhigiisa dalka Kenya Uhurru Kenyatta wuxuu kala hadlay Dadka Soomaalida ah ee ciidamada ammaanka dalkaasi ay ku dhibaateeyaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wasiirka arimaha Dibada Dalka Soomaaliya C/raxmaan Du’aale Beylah oo faah-faahin kasiiyay Warbaahinta kulanka labada masuul, ayaa wuxuu sheegay in la isku soo hadal qaaday dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysto dalka Kenya.
Wuxuu sheegay Wasiirka in Nairobi ay degan yihiin dad badan oo Soomaali ah labada masuulna ay isku soo hadal qaadeen, Soomaalida dalkaasi degan, waxaana uu sheegay in Madaxweynaha uu kala hadlay in dadka Soomaalida aan la dhibaateen.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ushegay Madaxweynaha Kenya in dadka aan lawada dhibaateen hadii uu qarax dhaco, kaliyana lasoo qabto dadka la tuhmayo oo baaris lagu sameyay hadii dambi lagu helana lagu ciqaabo, hadii kalena la iska siidaayo.
Shalay kaliya dalka Kenya waxaa ka dhacay raafkii ugu badnaa oo lagula kaco dadka Soomaalida ee degan xaafada Islii, waxaana aqaladooda laga soo saaray Soomaali badan oo dhibaato xun loo geystay.
Sawiro laga soo qaaday intii ay ciidanka howlgalka wadeen ayaa wuxuu muujinaye hooyo Soomaaliyeed oo caruurteeda ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya, iyadana gaari dusha laga saarayo o askarta ay riixayaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com