Columbus, Ohio (AGGM):Kulan balaaran oo ay boqolaal Soomaali ah ka soo qayb gashay ayaa loo sameeyay raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) oo dhawaan soo gaaray dalka Maraykanka.
Cabdiwaaxid oo la hadlay Soomaalida Columbus ayaa sharaxay marxalada uu marayo dalka Soomaaliya iyo sida loogu bahanyahay in xiligan la helo dad u babac dhiga sidii ay u samatabixin lahayeen dalka iyo dadka oo ay ku hareeraysan yihiin mushkilado baaxad weyn oo ay hurmuud u tahay amaan daro, iyo midnimo la’aan ka sii daraysa.
“Soomaaliya waxaa iminka ka jira dowlad la aqoonsanyahay oo ay horyaalaan wax walba oo 23 sano bur buray in ay soo celiso midaas oo an saqirnayn sida ay ku soo laaban karto, sida Amaanka, dhaqaalaha, Dib u dhiska, maamul wanaaga, iyo waxyaabo badan waana in la helaa dad si mutadawacnimaa ugu adeega dalkooda maadama uu yahay dal qeyraad alle ku manaysatay” Ayuu yiri Goonjeex oo intaa sii raaciyay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed in la bur buriyo lagu talogalay hadaan la is dabaqabana uu dalku gacanta ka bixi doono.
Taariikh aad u dheer kuna saabsan qeyraadka iyo dadnimada Soomaalida ayuu Goonjeex ka sheekeeyay waxana dhanka kale uu ugu baaqay Jaaliyada in ay aqoonta iyo hantida dalkooda ku abuuraan kana mid noqdaan kuwa dalka samata bixinaya oo aysan ku baabin ama ku milmin dalalka ay joogaan sida qowmiyado ka horeeyay oo kale.
Qaarkamid ah dadkii ka soo qeyb galay oo ka hadalay meesha ayaa dhankooda muujiyay in ay jirto kala daadsanaan iyo is aamin la’aan Soomaalida meelkasta oo ay joogto iyagoo dhaliilay qaabka ay dowladu iminka u shaqeyso iyo in ay ka gaabisay ilaalinta xaquuqda muwaadiniinta Soomaalida ee ku dhibaataysan Caalamka sida Kenya oo ay dhacdooyin xanuun leh ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay.
Daawo Sawirada Xaflada
Deeqo Shire (SONNA)
Deeqosonna@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com