Dowladda Soomaaliya Waa Ay Ka Hadashaa Qof Gaari Ku Jiiray Magaalada Muqdisho, Maxaa U Diiday Inay Ka Hadasho Xasuuqa Ka Socda Magaalada Kismaayo?

0

Muqdisho (AGGM): Dhawaan ayay ahayd markii ay Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya iyo Warbaahinta Dowladda sida aadka ah uga hadlayeen qof gaari ku jiiray magaalada Muqdisho, maxaa dowladda Soomaaliya iyo warbaahinyteedaba u diiday inay ka hadlaan Xasuuqa, Xariga, kufsiga Iyo Barakicinta baahsan ee ka socota magaalada Kismaayo?

Allaha U Naxariisto Marxuumka gaariga AMISOM jiiray,balse miyuu ka naf wanaagsan yahay dadka rayidka ah ee magaalada Kismaayo lagu xasuuqayo?

Halka magaalada Kismaayo ay Ciidamada Kenya ee huwan magaca ciidamada (AMISOM) qeeyb weeyn ka yihiin xasuuqa, Xariga, Kufsiga iyo Barakicinta baahsan ee aan lahayn kala sooca iyo bililiqada hantid Shacabka, dowaldda Soomaaliya waxay indhaha ka qabsatay gumaadka isir neceebka ah ee ka socda magaalada Kismaayo.

Akhristoow markaad u fiirsato hab dhaqankaas Dowladda leh soo leeysma oran karo dad gaar ah ayay danahooda iyo horumarkooda ka shaqeeysaa,halkii laga doonayay inay u shaqeeyso dhamaan ummada Soomaaliyeed?

Waxaan filayaa in la soo gaaray waqtigii Dadyowga kasoo jeeda Deegaanada Jubbooyinka ee dadkooda lagu xasuuqayo magaalada Kismaayo ay aayahooda ka tashan lahaayeen islamarkaana ay kalsoonida kala laaban lahaayeen waxan loogu yeero Dowladda Soomaaliya.

Ilaa hadda Madaxda dowladda Soomaaliya Madaxweynaha Xasan Sheekh, R/wasaaraha Cabdiwali Sheekh iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh kama aysan hadlin falalka waxuushnimada ah kana fog bini aadamnimada ee ka socda magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta waxa uu joogaa dalka Rwanda in uu uga qeeybgalayo Munaasabada Xasuuqi ka dhacay Rwanda, magaalo kamid ah dalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha u ahaa ayaa waxaa ka socdo Xasuuq, Xarig, Kufsi iyo Barakicin, haddaba waa yaabe yuu Xasan Sheekh Madaxweyne u yahay?

rwanda
Xasan Sheekh Oo U Qiiroonaya Xasuuqi Rwanda, Balse Aan Kala Jecleen Kan Kismaayo Ka Socda.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhacay arimahan soo socda.

Dadka Lagu Dilay Magaalada Kismaayo Tiradooda Waa 149 ruux.

Gabdhaha Lagu Kufsaday Magaalada Kismaayo Tiradooda Waa 49 Gabdhood.

Hantida Lagu Dhacay magaalada Kismaayo Waa $1,175,000 oo doolar (Hal Milyan Boqol Iyo Todobaatan Iyo Shan Kun Oo Doolar).

Guryaha dadka rayidka lahaayeen ee lagu dumiyay Magaalada Kismaayo waa 103 Guri.

Xarig Joogto Ah Iyo Caga Jugleen Joogto Ah.

Dadka Lagu Xiro magaalada Kismaayo Oo La Kala iibsanayo Iyadoo La Kala Qaato Lacag Dhan Ilaa $ 3000 Oo Doolar ama ka badan.

Ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07-04-2014 dadka rayidka ah ee guryahooda lagala baxaya ayaa kor u dhaafaya boqolaal ruux oo ilaa haddana qaarkood aan la aqoon halkay jaan iyo cirib dhigeen.

Intaas oo dhibaato ahna waxa loo geesanayo waa dadka shacabka ah, ee nimankan leh madax baanu nahay laga doonayay inay u hadlaan xuquuqdooda, balse nasiib daro meeysan dhicin, waxa ayna ku mashquulsan yihiin gaari AMisom leedahay baa qof rayid ah ku jiiray magaalada Muqdisho iyadoo kumanaan ruux loo geesanayo Xasuuq, XARIG, KUFSI IYO BARAKICIN JOOGTO AH haddaba soo xaq ma,ahan inaan dhamaan qeeybaha Dadkaa dadkooda lagu xasuuqayo magaalada Kismaayo inaan ku boorino inay kalsoonida kala laabtaan Dowladda Ay Hogaamiyaan Xasan Sheekh Maxxamuud, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Maxam,ed Sheekh Cismaan Jawaari.

Gabogabo haddii aysan Madaxda dowladda Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga hadlin Xasuuqa, Xariga, Kufsiga Iyo Barakicinta aan kala sooca laheeyn ee ka socda Kismaayo, waxa ay Bulshoweynta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanadaas kooda jooga dalka iyo kuwa dibeddaba waxa ay kalsoonida kala laabanayaan Dowladda ay hogaamiyaan sadexda Ilma Sheekh.

Fiiro Gaar Ah Halkan Hoose Tirada Raac Oo ka Akhriso Qoraalada Dowladda Uga Hadashay Nin Gaari Ku jiiray Magalaada Muqdisho.

( 1  )  ( 2 )  ( 3 )  ( 4 )

Soo Haddaba Lama Oran Karo SADEXDA ILMA SHEEKH Waa Ku Faraxsan Yihiin Xasuuqa Ka Socda Kismaayo?

MADAXDA DALKA XASUUQA

Maxamed Jimcaale Cali
Muqdisho, Somalia 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com