Kulaalanbuur(AGGM):Wasiiru dawlaha xafiiska R/wasaaraha Malaysia Shahidaan Khaasim ayaa ka sheegay magaalada Kuala Lampur ee xarunta u ah dalka Malaysia inay qaabileen in ka badan 140,000 oo magan galyo doon ah badankoodna u dhashay wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Ciraaq iyo Afghanistan.
Shahidaan Khaasim inkastoo uusan sheegin tirada qaxootiga Soomaaliyeed ee ay dib u dajinta u sameeyeen haddana waxaa uu carabka ku dhuftay in dadka ugu badan ee ay qaabileen ay u dhasheen Soomaaliya sida uu yiri.
Wasiiru dawlaha xafiiska R/wasaaraha Malaysia waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inay qaxootiga ay qaabileen ay siiyeen waraaqo muujinaya inay sii daganaan karaan dalka Malaysia waxaana uu intaa ku daray laanta Q,M u qaabilsan dhanka qaxootiga ee UNHCR ay kala shaqeysay dhaqan galinta barnaamijkaan.
Dalka Malaysia oo ka mid ah wadamada dhaqaalaha ku hormaray hadda ka hor ma uusan qaabili jirin dadka magan galyo doonka ah ee dalalkooda kasoo cararay sababtuna waxaa weeye kama mid aha wadamada saxiixay heshiiska caalamiga ah ee marti galinya qaxootiga.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com