Kismaayo (AGGM): Wararka ka imaanaaya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad ay halkaasi ka taagan tahay iyadoona laga baqanaayo in dagaal ka dhex qarxo ciidamada AMISOM iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Maleeshiyaad ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni islamarkaana gudaha magaalada Kismaayo laga saaray ayaa wararku waxay sheegayaan in ay xoog ugu soo laabteen gudaha magaalada Kismaayo.
Ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Burundi iyo Siiraaliyoon ayaa banaanka ula soo baxay taangiyo, waxaana wararku hadda sheegayaan in xaaladda ay tahay mid cakiran.
Isku soo wada duuboo dhacdadan ay ku kaceen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay ku soo aadeeysaa xili uu magaaldaasi ku wajahan yihiin wafdi uu horkacayo R/wasaaraha Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com