Xog+Dhageyso: Khilaaf Ba’an Oo Ka Dhex Taagan Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Kadib Markuu Baal-maray Heshiiski Addis Ababa.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka sida hoose nooga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh uu ka dhex taagan yahay khilaaf ba’an.

Khilaafkan ayaa in mudo ah soo socday balse waxaa uu soo shaac baxay kadib markii R/wasaare Cabdiweli Sheekh safar ugu kicitimay magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka soo horjeedaa si cadna u diiday inaan marnaba la dhinac maro heshiiski Addis Ababa, halka R/wasaare Cabdiwelina uu doonayo inuu arinkan ka dhigo arin hal beel ah u dhexaysa, taa oo ay kasoo dhaa dhaacsheen Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe.

Sida ay qaar ka mid ah hoowl wadeenada Villa Somaliya ay u xaqiijiyeen warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegeen in R/wasaare Cabdiweli Sheekh shalay uu mudo saacado ah ku xayirnaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh amar ku baxiyay in aysan diyaaradaha Muqdisho qaadi karin R/wasaare Cabdiweli Sheekh.

R/wasaare Cabdiwali Sheekh ayaa waxa uu la hadlay amaba xiriir la sameeyay maamulka Puntland, maleeshiyada Raaskambooni iyo dad isaga taageersan oo jooga magaalada Nairobi oo uu ka codsaday in ay diyaarad si deg deg ah ugu soo diraan, sidaasna ay ku biloowdeen olole diyaarad qaada R/wasaare Cabdiweli loogu diray.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa R/wasaare Cabdiweli Sheekh markuu tagay magaalada Kismaayo waxa uu kula xiriiray qadka telefoonka waxuuna u sheegay inuusan bataatanba la geli karin wax heshiis ah maleeshiyo beeleedka RAASKAMBOONI oo ka duwan heshiiski Addis Ababa, waana ay isku fahmi waayeen wada hadalkaas.

Maxuu yahay qorshaha Qorshaha Guracan Ee R/wasaare Cabdiwali.

Dib u jaleec wafdiga la socda R/wasaaraha kuma ay jiraan Xildhibaano ama Wasiiro dhex dhexaad ah dhamaantoodna waa taageerayaashi fikirka guracan ee Axmed Madoobe ee lagu curyaaminayay Dowladda Soomaaliya, sadex meelood laba meel iyo barna waxa ay ka soo jeedaan hal beel, kuma jiraan wasiiro ama Xildhibaanada beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Qorshaha ugu weeyn ee R/wasaaraha iyo sirta ka dambeysa ayaa waxa ay tahay inuu diyaarsanayo Isbaheysi lagula dagaalamo Madaxweyne Xasan Sheekh, Dadka Gedo iyo Muqdisho.

R/wasaare Cabweli Sheekh ayaa waqtigan xaadirka ah waxa uu u muuqdaa nin isu dhiibay HorjoogahaAxmed Madoobe iyo mealeeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo maamulka Puntland.

Qorshaha R/wasaare Cabdiweli ayaa Sidoo kale waxaa laad ku dhuftay gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegay waxa uu wado R/wasaare Cabdiweli iyo kooxda ku xeeyn daaban inay tahay sidii dagaal sokeeye looga kicin lahaa gobolka Gedo oo uu R/wasaaraha kasoo jeedo, “NIN DEEGAANKIISI U NIXI WAAYAY, MA QARAN IYO DOWLAD SOOMAALIYEED AYUU U NAXAYAA”?

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha dowlada Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo siyaasada dalka ku jira wax ka yar bilo ayaa maanta si cad u baal-maray siyaasada dowlada Soomaaliya uga degsanaa arrimaha Jubbooyinka iyo heshiiski Addis Ababa.

Sida ku cadaa hishiiskii Addis Ababa waxaa dowlada Soomaaliya u aqoonsaneynay maamulka uu hoggaamiyo Ahmed Madoobe inuu magaciise yahay (JUBBA), waxaana ay dowlada dagaal adeg oo ay gashay ku guulleysatay in magacii JUBALAND meesha laga saaro, inta laga gaaro maamul goboleed buuxa oo gobolladaasi loo dhisi doono.

Hadal uu Kismaayo Cabdiweli Sheekh ka jeediyey ayuu tira ka dhowr jeer waxaa uu kusoo celceliyey in magaca JUBALAND uu u yaqaan maleeshiyada Horjooge Axmed Madoobe hoggaamiyo, Sidoo kale R/wasaaraha ayaa waxa uu sicda ugu gafay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari isagoo ku tilmaamay (Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka XAMAR).

Isku soo wada duuboo Qorshaha guracan ee uu wado R/wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa waxaa si cad oo aan lahayn laab laab uga soo horjeestay, Gudoomiyaha Gobolka Gedo Kaliil, Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi, Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Dhamaan Beesha Sade dalka gudihiisa, Saraakiisha ciidmaada Goobweeyn, Dhamaan qeybaha Qurbajoogta beesha Sade, waxa ayna moowqif mideeysan ka qaateen fidnada uu wado R/wasaare Cabdiweli Sheekh, waxa ayna isla wada wada qaateen in si wadajir ah looga hortago islamarkaana xukuumad uu hogaamiyo kalsoonida lagala laabto haddii uu ku sii wado ku tagri falay sharcigi dalka u yaal iyo xuquuqda dadka leeyihiin, waxaana dhawaan la dhoowrayaa in warbaahinta loo soo gudbiyo Baaqa Beesha Sade ay ku shaacinayso in Kalsoonida Ay Kala Laabatay Xukuumada Uu Hogaamiyo Cabdweli Sheekh Axmed.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso R/wasaare Cabdiweli oo qiraya in gaadiidki ka soo qaadi lahaa magaalada Muqdisho ay kasoo daaheen, halkuu Jubba ka oran lahaana ku cel celinaya Jubbaland iyoisagoo u gafay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari kuna Tilmaamaya (Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka XAMAR.)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com