Kadib booqasho uu ku soo gaaraydalaka Finland. Dr.Cabdiraxmaan Baadiyoow oo ka mid ahaa musharaxiintii isu soo taagay xilka Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2012 , xilligaa soo looga guuleeystay ayaa hadda wada da’daalo uu ku doonayo tartankadoorarashada soo socota ee sanadka 2016, isagoo sameeystay xisbi lagu magacaabo Somali National Porty(SNP).
Dr.Dr.Cabdiraxmaan Baadiyoow waxaa sidoo kale uu kulan la qaatay Xildhibaan ka tisan Baarlamanka Finland Pikka Haavisto kulan kaa soo ka dhacay Hoolka Baarlamaanka Finland, dhanka kale waxa uu Siminaar ku saabsan Islaamka ka jeediyay Jaamacadda Helsinki-Univercity oo ay ka soo qayb galeen aqoon yahanno isug jira cadaan iyo Soomaali.
Itaas oo kaliya kuma uu san ekaane Dr.Cabdiraxmaan Baadiyoow , waxa kaloo uu kulan la qaatay Daladda ururada Puntland ee Finland oo ay ka soo qayb galeen dad weyne Soomaaliyeed oo ay is weydaar sadeen afkaartooda .
Maanta oo ah 1.10.2014 ayaa Dr.Cabdiraxmaan Baadiyoow waxaa uu kulankii ugu weynaa la qaadan doonaa guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland isagoo uga warami doonaa musharaxnimadiisa Sanadka 2016 waxaana kulan kaasi uu ka dhici doonaa xarunta ururka dhalinyarada KANAVA-ry ee Helsinki saacadu markeey tahay 18.00-21 Fiidnimo , haddaba ka soo qayb gal wacan dhamaan Jaaliyadda Soomaalida Finland.
Mohamed Bashiir-Info
Helsinki-Finland
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com