Marxuum Jeneraal Cumar Xaaji Maxamed Masale wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1934-tii. Yaraantiisa waxa uu ku soo barbaaray magaalada Beledweyne.
Wuxuu waxbarashadiisii dugsiga hoose ku dhammeystay Skoolkii Xamar Jab-Jab ee ku yaala magaalada Muqdisho, macalin u ahaa Macalin Jaamac.
Wuxuu ka soo tagay Muqdisho 1948-tii kuna laabtay Beledweyne asagoo soo dhameeyey Elementarigii, kadibna bilaabay dugsigii dhexe (Middle School) oo u ka baxay 1952-dii. Wuxuu ka qeyb-galay dhalinyaradii SYL ka qeyb-gasheedii Gobolka Hiiraan asagoo ardaydii ka mid ahaa.
Wuxuu 1955-tii macalin wax bar aka noqday dugsiga hoose/dhexe ee Gaalkacyo.
Dabadeedna wuxuu ku biiray xisbigii SYL kadibna galay xisbigii Great Somali League. Wuxuu 1956-dii ku so wareegay magaalada Dhusa-Mareeb ee gobolka Galgaduud ayadoo macalin ka noqday iyo agaasime-ku-xigeen. Wuxuu 1957-dii u so wareegay magaalada Muqdisho oo macalin ka ahaa dugsigii hoose-dhexe ee Macalin Jaamac oo ka dhigi jiray xisaabta iyo carabiga, agaasime-ku-xigeenna ka noqday.
Isla waqtigaas wuxuu wax ka dhiganayey Dugsigii Sare ee degmada Boondheere, kana qalin jebiyey 1959-kii. Wuxuu macalin ahaa muddo 5 sano (ilaa 1960-kii).
Ka hor intaanan xornimada la qaadan — 1960-kii bilowgeeda – imtixaan ayuu galay suu ka mid noqday saraakiishii Xooga Dalka Soomaaliyeed. Dabadeedna waxaa loo qaaday magaalooyinka Lecce iyo Napoli ee wadanka Talyaaniga ayagoo mudo maqnaayeen ku-dhawaad labo sano, ka dib wadanka ku so laabtay 1962-dii ayagoo xiddigleyaal ah. Waxay isla markaasna ka qeyb-galeen munaasabidii saraakiishii loo badalayeey gobolada dalka. Marxuum Cumar waxaa loo diray magaalada Baydhabo oo u ka noqday taliye-ku-xigeenka guutadii ku sugneed magaaladas.
Bishii Agoostoo 1963-dii waxaa laga dhigay labo-xidigyaal, dabadeedna waxbarasho ahaan loo diray dalkii Midowgii Sofiyeet oo ku muqnaa ku-dhawaad labo sano. Marku ka soo laabtay, waxaa socday dagaalkii 1964-tii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, dabadeedna wuu ka qeyb-galay.
Wuxuu 1966-kii qaatay darajada Captain oo u imtixaan u galay. Dhamaadkii 1968-dii, wuxuu mar labaad waxbarasho u aaday magaalada Moscow ee dalkii Midowga Sofiyeet gaar ahaan Kulliyadda Ciidamada ee Dagaalka Sare iyo Strategy.
Asagoo ku maqan waxbarasho ayaa waxa talada wadanka la wareegay saraakiishii ciidanka Xooga Dalka ee joogay Soomaaliya. Inkastoo uu ka mid ahaa raggii wax ka waday – saraakiishii wadanka ka maqnaayeen ma lagu dirin Golihii Sare ee Kacaanka. Waxuu 1970-dii dalacay darajada Gaashaanle dabadeedna loo dhiibay Guutadii labaad ee Taangiyada.
Waxaa 1971-kii dalacay darajada Gaashaanle-Dhexe dabadeedna aasaasay Guutadii Labaad ee Taangiyada ee magaalada Muqdisho ilaa u ka gaaray darajada Gaashaanle-Sare 1973-dii. Waxaa bishii Abriil 1976-dii u dalacay darajada Sareeyo Guuto. Wuxuu 1976-kii ka mid noqday Golihii dhexe ee Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed iyo 1979-kii Golihii Shacabka ee Soomaaliya.
Wuxuu 1976-dii noqday Taliyaha Ciidanka Lugta (Infantry). Waxaa 1977-dii laga dhigay Wasiir-ku-xigeenkii kowaad ee Wasaarada Gaashaandhiga oo u haayey ilaa 1980-kii. Waxaa 1980-kii la siiyey darayada Sareeyo-Gaas.
Dabadeedna 1981-kii waxaa laga dhigay Wasiirkii Gaashaandhiga oo uu haayey mudo sanad. Kadibna wuxuu noqday Wasirkii Caafimaadka.
Intaas kadib, Marxuum Cumar Xaaji Maxamed iyo Dawladii ayaa isku dhacay, dabadeedna u xirna mudo lix sano.
Marxuum Cumar Xaaji Masale wuxuu door muuqda uu ka qeyb-qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaalida loogu qabtay magaalooyinka Jabouti, Addis Ababa, iyo Qaahira oo dhamaan ahaa shirar lagu doonayay in lagu dhiso Dawlad Soomaaliyeed ah bur burkii kadib.
Jeneraal Cumar wuxuu noolashiisii u galay in dalka Soomaaliya ku soo laabtay nidaam dawladeed. Wixii 2000-kii ka dambeeyey, siyaasadda Soomaaliyeed wuu ka fariistey.
Wuxuu ka tagay 14 Caruur ah 7 rag iyo 7 gabdhood iyo wixii ay sii dhaleen.