WAXAAN U SHEEGAYAA XILDHIBAANADA WADA MOTIONKA KA DHANKA AH XUKUMADDA SOOMAALIYA( QEYBTA FULINTA) INEYSAN EHEL U AHEYN SHACABKA SOOMAALIYEED EE AY MATALAYAAN. By.Dr. Dahir Nur Jama

0

whiteWaxaa wax lala yaabo ah in Motion laga keeno Dowladda soomaaliya (qeybta fulinta) waayo Motionku ma ahan mid sabab leh ama sharci ku dhisan.

Waayo Motionku waa inuu sabab leeyahay, ujeedo leeyahay,  oo dan u ah ummadda ay xildhibaanada u yihiin,haddii uu Motionku noqdo mid ka soo horjeeda danaha ummada ay matalaan waxaay noqonayaan dad aan mataleyn danaha shacabkooda.

Sidaa awgeed Motion-no sida hirarka badda oo kale iskaga socda ma ahan wax ku dhisan sharci,mana ahan nadaam baarlamaan ku shaqeeyo.

Laakiin maxaa la gudboon shacabka soomaaliyeed ee dhibaatada ku soo jirey muddo ka badan 22 sano, haddii mar walba oo shacabka soomaaliyeed dareemaan  naacow iyo iftiin,astaamihii dowladnimo,qarannimo, in Isbaaro loo dhigto si aysan marka uga bixin dullinimada iyo hallaagga joogtada ah.

Dad ku naaxay dhiigga shacabka ma doonayaan dowladnimo, ma doonayaan in shacabka soomaaliyeed u noolaadaan sida ay u nool yihiin shacuubta caalamka ku nool.

Awood qeybsiga Heyadaha dowladda ee dastuuriga ah waa la yaqaannaa sida : Baarlamaanka( sharci dejinta)., Fulinta( excutive)., iyo Garsoorka, heyad kastana shaqooyin gaar ah bay leedahay oo ah dastuuri, haddana ma ahan kuwo iska soo horjeeda waayo waxaay u wada shaqeeyaan danta guud ee shacabka, waayo kuwo baa u heysta marka ay maqlaan awood qeysiga dastuuriga ah iney yihiin kuwo iska soo horjeeda cadowna isku ah,arrintu sidaa ma ahan waa ka duwan tahay waxaana waajib ah in la barto taas waayo haddii kale arrintu waxaay noqoneysaa sida laba ciidan oo dagaal ka dhaxeeyo sida ayba hadda u muuqato ama ay soo ahaan jirtey dowladihii ku meel gaarka ahaa ee soo maray soomaaliya.

Waxaa xaqiiqa ah in kuwa wada Motionka ay yihiin qaswadayaal”Spoilers” Haddii aan meel la saarin qaswadayaasha waxaa xaqiiqa ah ineysan dowlad soomaaliya ka hanaqaadeyn,qarannimana baryo kuma soo noqoneyso waayo qarannimadu baryo kuma imaan dad baa u soo dhintey, kuwaa ku waayey maalkoodii iyo intii ay jeclaayeenba, sidaa awgeed annaga hadda qarannimadeenii waa duntey waayo “Failure State” baan nahay sidaa awgeed iney soo noqoto waxaay u baahan tahay xoog in lagu soo celiyo waayo baryo kuma imaaneyso. Tusaale Astaamaha qaran leeyahay ama state waa sidaan: dhul,dad,Maamul iyo madaxbanaani( xor inuu yahay) marka maxaa naga maqan waa maamulkii dowladnimo,haddii aysan jirin dowladnimo micnaha madaxbanaani ma jireyso, sidaa awgeed soo celintii sharcigii iyo kala dambeyntii “Law and Order” ayaa la hortaagan yahay waxaana loo isticmaalaa dad sheegnaya iney yihiin soomaali laakiin ah “Dhagar qabayaal dalka,dadka iyo diinta dembi ka galay” kuwa Motionka wada waa noocaas aan sheegey haddii aan la iska qaban dowlad ma shaqeyneyso,dhibaatana lagama baxayo.

Su’aashu waxaay tahay miyey jirtaa sabab Motion looga keeno Prime-minister Saacid, sabab miyey jirtaa lagu dhaliilo, waayo waan og nahay xalaadda soomaaliya, waa la wada og yahay muddii yareyd ay shaqayneysey Xukuumaddu,shaqooyinkii ay qabatay,waa Prime-ministerkii ugu horreeyey ee taga Gobolada dalka oo dhan,micnaha taas waxaay noo caddeyneysaa dadka Motionka wada ineysan aheyn kuwo wanaag doonaya sharcina ku shaqeyneya sidaa awgeed waa in shacabku fadhiga ka kacaa kana xoroobaa reer hebel, haddii kale dowlad aad hoos keeda harsataan waa idinka dheer tahay jiritaankiina waa loo yaaba waayo haddii soomaaliya xaaladdeedu sidaa ku sii socoto wax kale baa imaan doona waana aan dan noogu jirin.

Isku soo wada duub,Nimanka xamar jooga Motionkana wada isla markaana og dhibaatada soomaaliya heysata,islamaarkana ka xun in soomaaliya hesho nabad, kala dambeyn,sharci,caddaalad , horumar dhaqaale, waxbarasho,caafimaad,kuwaas ma ahan Xildhibaano matala shacabka soomaaliyeed, ha la iska qabto mana ahan iney ka sii mid ahaadaan waayo meeshii dadka nabad iyo kala dambeyn loo horseedi lahaa in qabyaalad iyo dano shaqsiyeed Isbaaro loo dhigto Heyadihii dastuuriga ahaa ma ahan wax loo dulqaadan karo. Arrinta kale waxaay tahay waa in la yareeyaa Motion-nada badan aan micnaha badan laheyn waayo waxaay caqabadu ku yihiin habsami u socodkii dowladda waayo waddanku waa waddan burbursan dhinac kastaba marka laga fiiriyo, sidaa awgeed waa in la yareeyaa Motion-nada sharci iska daaye caqligu keeneyn.

WQ BY Dr Dahir Nur Jama( DrPLJ)
jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com