Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in 30 daqiiqo ka hor uu gudaha magaalada kusoo idlaaday dibadbax baaxadweeyn oo lagu taageerayay Madaxweynaha Jubbaland Col. Bare Aden Shire oo maanta lagu Caleema Saaray gudaha magaalada Kismaayo.

Dibadbaxan ayaa waxaa kasoo qeeyb galay dhamaan qeeybaha bulshoweynta ku dhaqan magaalada Kismaayo, waxaana halkaas Khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano.

Dhinaca kale Dibadbaxan ayaa habayaraato’e aysan ka dhalan wax dhibaato ah oo soo gaaray dadka dibadbaxayay.

Isku soo wada duuboo waxaa dagan magaalada Kismaayo mana ay jiraan wax shaqaaqooyin ah oo ka dhacay kadib doorashadi iyo caleema saarki Madaxweyne Bare Aden Shire.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com