Kismaayo (AGGM): Madaxweynihii 3-aad ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka gobolada Jubooyinka iyo Gedo Cumar Buraale Axmed oo ka tirsanaa mudanayaashii baarlamaankii KMG Soomaaliya ayaamaantakudhawaaqayinuuyahaymadaxweynahasaxda ah eemaamulkagobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Cumar Buraale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee deegaanada Waamo,wuxuuna sheegay in loo doortay xilkaas markii ay wada tashi dheer yeesheen beelaha wada dega gobolada Jubooyinka iyo Gedo,wuxuuna diiday in magaca deegaanadaas uu yahay Jubaland wuxuuna tilmaamay in magaca saxda ah ee deegaanadaas uu yahay waamo isaguna uu yahay madaxweynaha Waamo State sida uu sheegtay.
Cumar Buraale oo la weydiiyey inuu yahay madaxweynihii 3-aad ee deegaanada gobolada Jubooyinka iyo Gedo,ayaa waxa uu kaga jawaabay inuu isagu yahay midka koowaad ee sida saxda ah ay u doorteen dadka deegaanka kasoo jeeda.
Cumar Buraale Axmed ayaa waxaa la weydiiyey halka uu ka dhacay shirka lagu doortay iyo goorta uu dhacay shirkaasi,wuxuuna sheegay in isaga lagu doortay shir ka dhacay gudaha Kismaayo oo ay ka qaybgaleen 760 Ergo oo ka kala socday dhammaan beelaha dega goboladaas ,wuxuuna tibaaxay in shirka isaga lagu doortay uu socday ka hor inta aan la bilaabin shirkii maamul u samaynta Jubaland.
Wuxuuna intaa ku daray inuusan ahayn maamulkiisu mid lagu carqaladeynayo maamulada kale ee Kismaayo looga dhawaaqay,wuxuuna ku celceliyey in qabashada xilka maamul goboleedka Waamo sida uu hadalka u dhigay uu yahay mid ku yimi rabitaanka dadka deegaankaas.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com