Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada magaalada ay dagan tahay waloow ay saacad walba wax iska badali karaan xasiloonida hadda ka jirta.
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Maamulka Gedo ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan doorashada Barre Hiiraale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland, isla markaana nasiib u yeeshay in mar kale noqdo hogaanka deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.
Shalay ayay ahayd markii dibadbaxyo balaaran oo lagu taageerayo caleemo saarka Madaxweyne Bare Aden Shire ay ka dhaceen magaalooyinka Ceelwaaq, Garbahaareey, Luuq, Baled-xaawo.
Isku soo wada duuboo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay si aad ah u taageereen doorashada Madaxweyne Bare Ade Shire.
Isha Ku Haay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com