Banaan Baxyo Looga Soo Horjeedo Axmed Madoobe Oo Ka Socda Xaafado Ka Mid Ah Kismaayo.*Dhagayso*

0

Kismaayo (AGGM) kismayo_389445125Waxaa magaalada kismaayo hadda ka socda  banaan bax balaaran oo looga soo horjeedo Axmed Madoobe oo dhawaan iskiis madaxweyne isugu magacaabay,waxaana banaan baxyadaasi ka socdaa xaafadaha kala duwan ee magaalada kismaayo iyadoo banaan baxaas lagu muujinayo inay shacabka reer kismaayo si balaaran uga soo horjedaan Axmed Madoobe iyo Kooxdiis.

Banaan baxayaasha ayaa socod dheer ku maray xaafadaha calanlay,Isku Filan Iyo Aargada,waxaana dadkaasi ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Axmed Madoobe,waxaana dadkaasi sheegeen inaysan Axmed madoobe u aqoonsaneyn Madaxwenye balse u aqoonsan yihiin dambiile.

Nabadoon ka mid ah dadkii banaan baxaasi soo qaban qabiyey oo Idaacad ku taala magaalada muqdisho oo lagu magacaabo RISAALA la hadlay ayaa sheegey in dadkaasi rabitaankooda ku muujinayeen sidaay uga soo horjeedaan Axmed Madoobe iyo kooxdiisa,waxaana uu nabadoon kaas oo lagu magacaabo Nabadoon Cabdirashiid Shiikh Xuseen daboolka ka qaaday inaysan marnaba tageersaneyn Axmed madoobe iyo kooxdisa.

Banaan baxan ayaa ku soo beegmaya xilli wefti ka socda IGAD ku sugan yihiin Magaalada kismaayo isla markaasna qiimeyn ku sameynayaan Rabitaanka shacabka reer jubbaland isla markaasna ay kulamo la leeyihiin Madaxweyne Bare Hiiraale iyagoo hore kulamo ula soo qaatey axmed madoobe oo sheegtey inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland.

Banaan baxan waxaa u ku soo aadaya xilli hadda kulan u socoto weftiga IGAD iyo Madaxweyne Bare Aadan Shire Hiiraale,waxaana kulankaasi ka socda Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ee uu ka Arrimiyo Madaxweyne Hiirale,waxaana kulankaasi ka qayb galay waxgarad iyo aqoon yahano ka soo kale jeeda beelaha jubooyinka oo  tageersan Madaxweyne Bare Hiirale isla markasna IGAD ugu muujinayaan tageeerada ay u ahayaan Col Bare Aadan Shire.

Gebagabadii Banaanbax oo ahaa mid balaaaran isla markaasna indhahooda ku arkeen weftiga xaqiiqa raadinta ee ka socda IGAD ayaa laga yaabaa inuu caqabado ku noqdo Maamulada magaalada kismaayo looga dhawaaqay,waxaana arrimahaasi yihiin kuwo Dawlada soomaaliya iyo IGAD indhaha ku hayaan.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/Banaan-Baxyo-Looga-Soo-Horjeedo-Axmed-Madoobe.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Warsame Caydiid Geele

Kismaayo

Isha Ku Hay Allgalgaduud

allgalgaduud@gmail.com