Sir Fakatay: Maxamed Ugaas Xaashi Oo Ku Wajahan Doolow Iyo Garbahaarey Si Uu U Kala Fur Furo Ciidamada Gobolka Gedo.

0

maxamed ugaas xaashiKismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Ugaas Xaashi uu ku wajahan yahay degmooyinka Doolow iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ujeedka Socdaalka Maxamed Ugaas Xaashi uu yahay sidii uu usoo kala fur furi lahaa ciidamada dowladda ee gobolka Gedo.

Maxamed Ugaas Xaashi ayaa waxa ay ku wargaliyeen kooxda uu u shaqeeyo waa Faroole iyo Axmed Madoobe inuu deg deg isugu diyaariyo safar uu ku tagayo gobolka Gedo,waxeeyna kaloo u sheegeen markuu tago Doolow inay ku sugayaan rag lacag kasoo qaaday Jigjiga oo ah New Boliiska ismaamulka Kilinka shanaad, lacagtaasna uu u adeegsado  burburinta awooda ciidan ee gobolka Gedo.

Faroole iyo Axmed Madoobe amaba aan iraahdo ee Siyaasiyiinta New Kablalax  ayaa hoosta ka xariiqay marnaba inaan leeysku dayin amaba la damaacin in dagaal in looga hortago beesha Sade, balse loo adeegsado siyaasad oo qaar kamid ahi beesha la shaqaaleeysiiyo si loogu bur buriyo inta caqliga iyo cilmiga u leh.

Dhinaca kale xiriir aan la sameenay gobolka Gedo ayaa waxa ay inoo sheegeen in lala socdo dhaqdhaqaaqa Maxamed Ugaas Xaashi lagana foojigan yahay isaga iyo kuwa uu adeego loona diyaar garoobay.

Isku soo wada duubo shabakada Allgalgaduud Media ayaa horey waxa ay uga digtay hoowlaha shisheeye u adeega ah ee uu wado Maxamed Ugaas Xaashi, waloow la dhayalsaday balse marki dambe xaqiiqdi amaba warbixinadi Allgalgaduud Media qortay ay soo baxeen amaba xaqiiqoobeen.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com