Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya Iyo Xubno La Socda Oo Gaarey Wadanka Suudaan

0

faKhartuum (AGGM) Wasiirka Gashaandhiga dawlada soomaaliya Mudane Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi iyo xubno uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Khartuum ee caasimadda wadanka suudaan,waxaana la sheegey inay martiqaad ka heleen dawlada wadanka suudaan gaar ahaan wasaarada gashaandhiga dalkaasi.

Wasiirka gashaandhiga dawlada soomaaliya Mudane Fiqi waxaa garoonka diyaaradaha magaalada khartuum si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan dawlada suudaan iyo Safiirka soomaalida ee dalka sudaan Mudane Maxamed Cabdilaahi Faarax Ugaas,waxaana wasiirka iyo xubnaha la socday loo galbiyey huteelka ay ka degayaan magaalada khartuum.

Mudane Fiqi ayaa lagu wadaa inuu kulamo muhiim ah saacadaha soo socda la qaato masuuliyiin ka tirsan wasaarada gashaandhiga dalka sudaan isla markaasna ka wada hadlaan xiriirka labadan ee walalaaha gaar ahaan dhinacyada gashaandhiga labada wadan,waxaana sidoo kale lagu wadaa in dawlada sudaan mucaawimo dhinaca ciidamada soomaaliya ah u fidiso dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Dawlada Sudaan ayaa ah dawlad aad iyo aad u jecel walalaha soomaaliyeed,waxaana wadanka sudaan wax ka barta kumanaan ruux oo arday soomaali ah kuwaasi oo deeq waxbarasho oo bilaash ah ay u fidiso dawlada sudaan,waxaana shacabka sudaan yihiin ku si weyn u jecel una soo dhaweeya walalaha reer soomaaliya.

Gebagabadii dawlada wadanka Sudaan ayaa dawlada soomaaliya inta badan ka taageerta dhinaca agabka ciidamada dawlada soomaaliya,waxaana dawlada suudaan balan qaadey inay tababareyso kumanaan gaaraya ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyadoo lagu wado in arrimahaasi maanta laga wada hadli doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Alllgalgaduud@gmail.com