Gawaari Qaad Sida Oo Laga Soo Dhacay Nawaaxiga Mandhera Ee Dalka Kenya.

0

BALAD-XAAWO-IYO-SUUQ-GUBTAY1Baled-Xaawo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad-xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in Dabley hubeysan oo la rumeysan yahay in ay yihiin Soomali ayaa lagu soo waramayaa Saaka Aroortii in ay ka soo dhaceen Nawaaxiga Mandhera Labo gaari oo Qad u sidey Degmada Mandhera,iyadoo la sheegayo Dableydii iyo labadii Baabuur in ay u soo dhaqaaqeen dhinaca Soomaaliya.

Gaadiidka la dhacay ayaa La sheegay in ay wadeen qaad oo ay ka keeneen dhinaca Beeraha Jaadka ee Dalka Kenya una sideen Mandheera waxaana la Xaqiijiyay in dableey Hubeysan ay gaadiidkaasi u soo Leexsadaan Gudaha Soomaaliya.

Dad deegaanka ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Xaaladdu ay isbedeshay kadib markii ay Goobta soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo halkaasi Howl gallo ka sameeyay.

Lama Oga illaa iyo haatan kooxaha ka dambeeyay dhacaan loo geystay Gaadiidkaasi Ganacsi ee Marayay inta u dhexeysa degmooyinka Wajeer iyo Mandheera ee Gobolka W/Bari dalka Kenya.

Dhinaca kale warar kale oo iyaguna hadda soo dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in Gaadiidkan Qaadka siday ee la soo dhacay loo galay jidka isku isku xira Baled Xaawo iyo Garbahaareey, mana ay jiraan warar faah faahsan oo warkan kasoo baxaya.

Isku soo wada duuboo waxaa maalamahan dambe qalqa iyo amni daro ka jireen deegaanada xuduuda ah ee dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com