Mooshin Ka Dhan Ah Ciidamada Kiiniya Ee Jooga Soomaliya Oo Muqdisho Laga Wado

0

indexMuqdisho(AGGM) Ka dib markii uu fashilmay maanta mooshinkii ka dhan ahaa Xukumadda Raisalwasaare Saacid Faarax Shirdoon,Waxaa xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya bilaabeen inay diyaariyaan mooshin ka dhan ah ciidamada dawlada Kiiniya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya,waxaana arrintaasi laga dareemayaa gudaha magaalada muqdisho.

Xildhibaano tiradooda lagu sheegey in ka badan 199 mudane ayaa la sheegey inay isku raaceen inay diyaariyaan mooshin ka dhan ciidamada dawlada kiiniya isla markaasna horgeeyaan baarlamaanka si looga doodo ciidamada kiiniya inay ka mid yihiin ciidamada Amisom iyo inay dalka soomaaliya xoog ku joogaan.

Xildhibaanada ayaa eedeyn kulul hadda ka hor u jeediyey dawlada wadanka kiiniya isla markaasna ku tilmaamay inaysan qaab nabadeed u joogin gudaha wadanka Soomaaliya,waxaana xilhibaanadan hadda mooshinka wada sheegeen inaysan ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan gobollada dalka soomaaliya aysan ka amar qaadan taliska Amisom isla markaasna tageerayaan shaqsiyaad gaar u ah iyaga.

Xildhibaanadan waxaa ay xuseen in mooshinkani uu noqon doono mid meel mara isla markaasna aan dhicisoobin,waxaana ay sheegeen inay ciidamada dalka kiiniya ka bixi doonaan hadii mudanayaashu u codeeyaan inay ciidamadaasi dalkooda dib ugu laabtaan maadama aysan diyaar u ahayn inay tageeraan dawlada soomaaliya.

Gebagabadii waxaa ciidamada dawladda kiiniya ee ku sugan gobollada jubooyinka ayaa dhawr jeer iska dhego marey tageeradda dawlada soomaaliya ee ku aadan arrimaha jubooyinka iyagoo garabsiinaya kooxo iyagu wataan isla markaasna aan ka soo jeedin gudaha dalka soomaaliya,waxaana arrintaasi ka carooday soomaali aad u badan oo daafaha caalamka ku kala sugan.

Samsam Cabdilaahi Aadan

Muqdisho,Somalia,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com