Kismaayo( AGGM) Waxaa hadda degaano ka tirsan Jubbadda Hoose soo gaarey cutubyo ka tirsan ciidamada wadanka Siraliyoon ee nabad ilaalinta ah,waxaana la sheegayaa in ciidamadaasi hadda soo gaareen degaanka Taabto ee gobolka Jubada Hoose,waxaana la sheegayaa inay ciidamadaasi ku hubeysan yihiin hub kala duwan.
Goob Jooge ku sugan degaanka Taabto ee gobolka Jubbada oo khadka telefoonka kula hadlay Allgalgaduud ayaa shaaciyey inay ciidamadaasi soo gaareen isla markaasna aad u hubeysan yihiin,waxaana la dhihi karaa in ciidamadaasi yihiin cutubkii ugu horeyey ee ka socda wadanka Siiraliyoon ee soo gaara gobollada Jubbadda hoose.
Ciidamada ayaa la sheegey inay u soo gudbi doonaan magaalada kismaayo kuwaasi oo lagu wado inay ciidamada dawlada kiiniya kala waregaan maamulka dekadda magaalada kismaaayo iyo Garoonka diyaaradaha, ciidamadan ayaa la aamiinsan yahay inay lug ku soo gaareen degaanadaasi isla markaasna ay ka soo gudbeen xaduudka dhinaca gobolka Gedo iyadoo ay la socdaan ciidamo soomaali ah.
Ciidamadan ayaa la shaacinaya inay markoodii hore ka soo degeen garoon ku yaala dhinaca kiiniya waxaanaa ay ka soo gudbeen dhinaca gobolka Gedo gaar ahaan xadka wadaan labada ceelwaaq,waxaana halkaasi ku sugeyey ciidamo ka tirsan kuwa dawlada soomaaliya ee gobolka Gedo.
Gebagabadii arrintan ayaa ah mid aad looga hadal hayo gudaha magaalada kisamayo iyado lagu wado inay saacadaha soo socda ciidamadaasi soo gaaraan gudaha magaalada kismaayo oo ay hadda ka wada arrimiyaan maamulo iska soo horjeeda,sidoo kale ciidamadan ayaa lagu wadaa inay goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada kismaayo fariisimo ka sameystaan.
Samsam Cabdilaahi Aadan
Muqdisho,Somalia,
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com