Madaxweyne Xasan Shiikh: Waxaan Ka Digeyaa In Xaaladaha Kismaayo Alshabaab Ka Fa'iideystaan

0

Hassan_Sheikh_MohamudAddis Ababa (AGGM) Madaxweyne Dawlada federaalka ee soomaaliya oo ku hadlay xaalada dalka soomaaliya gaar ahaan dhinac gobollada jubooyinka ayaa ka digey in khilaafyada ka taagan magaalada kismaayo ay ka faaiideystaan Xarakada Alshabaab,waxaana uu sheegey in hadiii khilaafka u dhexeya kooxaha ku wada sugan magaalada Kismaayo uu sii socdo ay fursad ka heli doonaan Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo khudbad ka jeedinayey Shirkii midawga afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa sheegey inuu walaac baahsan ka qabo xaaladaha gobollada jubooyinka waxaana uu sheegey in Alshabab inta badan ku sugan yihiin gobolladaasi isla markaasna ay aad u hubeysan yihiin.

Waxaa uu xusay inay fursad ka heli karaan hadii dhinacyada ku wada sugan kismaayo uu dagaal dhexmaro inay ku soo dhex dhuuntaan dhinacyada is haya isla markaasna si fudud ula wareegaan magaalada kismaayo,waxaana uu ugu baaqey dhinacyada ku wada sugan kismaayo inay gacmaha is qabsadaan isla markaasna ka feejignaadaan kooxda Alshabaab.

Waxaa hadalkani imaanaya xilli Midawga afrika shalay si toos ah u shaciyeen in maamuladii kala duwanaa ee dhawaan looga dhawaaqay kismaayo ay ahaayeen kuwo aan sharciga waafaqsaneyn,waxaana ay ay midawga afrika sheegeen in dawlada soomaaliya looga dambeeyo xaalada dalkeeda.

Gebagabadii waxa hadalkani imaanaya xilli shalay galinkii dambe ay magaalada kismaayo soo gaareen diyaarad siday wefti ka socda taliska ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka soomaaliya,kuwaasi oo ku wareejiyey amar ka soo baxay midawga afrika isla markaasna ku aadanaa inaysan wefti ka socda dawlada soomaaliya aysan dib uga celin karin magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com